Friday 19 April 2013

MAALINTA BANNAAN BAXA DADKA NABADGELYO DOONKA AH (Somali Translation)


MAALINTA BANNAAN BAXA DADKA NABADGELYO DOONKA AH 
 (NATIONAL DAY OF ACTION FOR ASYLUM SEEKERS)
Waxa jira bannaan bax uu soo qaban qaabiyey ururka Sumcada Dadka Nabadgelyo Doonka (Dignity for Asylum Seekers) ah oo la qaban doono maalinta sabtida ah ee bishu taay 29ka Juun 2013.
Waxanu doonaynaa inaanu waxqadka wadanka ka qayb qaadano” . Waa in la dabar gooyo daranyada dadka nabad gelyo doonka ah.
250 qof oo ah dadka nabad gelyo doonka ah (asylum seekers) iyo taageerayaashooda ayaa bannaan bax ku maray magaalada Bristol dhexdeeda bishii Juun ee 2012 dii, si aanu dadka ugu sheegno dhibaatadayada isla markaana aanu codsanay in sumcad nala siiyo. Arrintani waxay na siisay kalsooni nagu dhiirri gelisay inaanu ka hadalo dhibaatada na haysata.
Waxanu doonaynaa sannadkanna inaanu samayno bannaan bax kii oo kale ah Waxa aanu ka codsanaynaa magaalooyinka kale inay nagala qayb qaataan inay iyaguna bannaan bax sameeyaan maalintan.
Intii ka dambaysay bannaanbixii la qabtay sannadkii hore, waxanu go’aansanay inaanu u ololayno in ay Bristol City Council dhalleecayo, khaladna ay tahay siyaasada dawlada ee oo dhigaysa in dadka nabad gelyo doonka ah aan:
  • Shaqo loo oggolayn
  • Gunno ama cayd (benefit) inay qaataan aan loo oggolayn
  • Oggolaansho waddanka ay ku joogaana (leave to remain) aan la siin
Arrimahan kor ku xusani waxay dadka ku qasbayaan inay daranyoodaan ama darxumoodaan.
Waxanu ku faraxsanahay in council ka Bristol u codeeyey inay nagu taageeraan dhalleecaynta siyaadan kor ku xusan.
Markan waxa aanu doonaynaa inaanu abaabulno bannaan bax qaran oo xooggan. Waxana aanu doonaynaa inaanu la bannaan baxno dadka nabad gelyo doonka ah iyo taageerayaashooda ku nool magaalooyinka kale ee waddankan ingiriiska.
Nagula soo biir inaynu nidhaahno siyaasadan iyo sharcigan dadka nabad gelyo doonka ah loo cuskadaa waa mid aan caddaalad ahayn.


Waxa taageeray: Ururka Xuquuqda Qaxoontiga ee Bristol (Bristol Refugee Rights). Hospitality Network


No comments:

Post a Comment

These comments will be moderated before being posted.